Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dawlada Jabuuti “Kenya dhibaato ayay ku haysaa Somalia laguma Aamini karo Kursiga Afrika ee Qaramada Midoobay

Dowladda Jabuuti ayaa Xoojinaysa Dedaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd matalaadda Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiirka arimaha dibedda ee Jabuuti ayaa sheegay in Kenya oo kula Loomaysa aan lagu aamini karin kursiga ay u tartamayso ee golaha ammaanka, maadaama sida uu yidhi uu khilaaf xooggan kala dhexeeyo Soomaaliya.

Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf oo maanta safiirrada ajnabiga ah ee dalkiisa ku sugan kala hadlayay arinta la Xidhiidha musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka, ayaa sheegay in Jabuuti ay u baahan codadka dalalkaasi.

“Jabuuti waxa aay qiyaaseysa inay ku saxan tahay dadaalkeeda ku aaddan kursiga Golaha ammaanka. Waxa aan u bahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena”, Ayuu yidhi Maxamuud.

Wuxuu dhanka kale sheegay in haddii Kenya ay kursigaas hesho ay saameyn ku yeelaneyso muranka kala dhaxeeya Soomaaliya.

“Waxa aan qiyaaseyna oo kale inay Kenya dhibaatada khatar ah ku heyso Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna ay cirka isku sii shareeri karto oo ay faraha ka bixi karto”.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas raaciyay in Kenya an lagu aamni karin amniga gobolka.

“Waxa aan qabaa dal sidaas khatar u ah ma ilaalin karo danaha gobolka iyo qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”.

Ma jiro wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay xukuumadda Nairobi, oo ay arrintan uga jawaabeyso.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *