Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DF Somalia oo Amar Cusub kusoo rogtay dadka ka howlgala Garoonka Muqdisho

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta soo rogtay amar cusub oo waajibanaya in howl-wadeenada diyaaradaha dalka ay xirtaan af-saabka (Face-mask), si looga gaashamto mowjada saddexaad ee cudurka Covid-19.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ku socday howl-wadeenada diyaaradaha ayaa waxaa lagu faray in dhammaan howl-wadeenada diyaaradaha dalka ka shaqeeya ay qaatan af-saabka, ayada oo la dhaqan-gelinayo tilmaamaha caafimaad ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Amarka cusub ee kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dadaalada looga hortagayo mowjada cusub ee cudurka Covid-19, islamarkaana ay kiisaska cudurka sare uga kacayaan dalka.

“Maamulka Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA} waxa uu qaadaya mas’uuliyadda ah in la dhaqan-geliyo tallaabooyinka bad-baadada iyo tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda Caafimaadka, si loo ilaaliyo rakaabka saaran diyaarad iyo kuwa adeegsada Gegida Diyaaradaha Soomaaliya, loona yareeyo faafitaanka halista fayraska. SCAA waxay ku wargelinaysaa dhammaan howl-wadeennada in Face-mask ay xirtaan,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Sidoo kale waxaa qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka lagu sii adkeeyay go’aamkii hore ee ahaa in rakaabka ka dhoofaya garoomada dalka ay xirtaan af-saabka ka hor inta aysan u gudbin gudaha diyaaradda.

Amarkaan ayaa imaanaya xili maalmihii u dambeeyay ay sare u kaceen kiisaska cudurka Covid-19 ee dalka, waxaana 48 saac ee u dambeeyay dalka oo dhan laga helay cudurka dad kor u dhaafaya 161 qof, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *