Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DF Soomaaliya oo kasoo Horjeestay Go’aan Kenya loogu dhiibay Ilaalinta Xeebaha dalka Soomaaliya/iyo mashaariicda horumarineed ee shiinuhu wado/wasiir cawad

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa  kasoo horjeesatay go’aanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay ug doorteen Kenya si ay u hoggaamiso la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan u hoggaansameyn go’aan kooxda xiriirka Soomaaliya ay Kenya ugu doorteen in ay noqoto guddoomiyaha labada sano ee soo socota ee la dagaalanka Burcad Badeedda Soomaaliya.

“Ma jiro hadda burcad badeed lala dagaalamo waxaana labada dal Soomaaliya iyo Kenya ka dhexeeya xurguf dhinaca Badda ah.”ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Axmed Ciise Cawad, ayaa sheegay in Ururka Xiriirka Soomaaliya ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya ay dhamaatay howshiisa isaga oo guuleystay sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Axmed Ciise oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka war sugeyso go’aanka Maxkamadda ICJ ee xukunka la xiriira inta ka horreysana aysan tallaabooyin dheeraad ah qaadeyn.

Waxaa uu sheegay in wax xiriir ah aysan la lahayn go’aanka Kooxda Xiriirka Soomaaliya ay ku doorteen Kenya iyo damaca Kenya ee la xiriira biyaha Soomaaliya.

Wasiirku waxaa uu beeniyay in Ciidamo Kenyaan ah ay ilaalinayaan Biyaha Soomaaliya,waxaana uu sheegay in Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Ururka ay yihiin cidda shaqada qabaneysa.

Dawladda Somalia oo ka War kasoo saartay Mashaariicda Horumarinta ee Dalka Shiinaha

 

Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumada Federalka Soomaaliya ayaa sheeegay Soomaaliya diyaar u tahay in uu ka fa’ideysto hindisaha hurumarineed ee kaabayaasha dhaqaalaha ee Madaxweynaha Shacbiga Shiinaha Xi Jinping kaasi oo Africa iyo dunida oo idil ka wada faa’ideysanso.

Wasiirka ayaa dhigiisa dalka Shiinaha waxa uu la qaatay kulan laba geesood ah oo ku qotoma xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee taariikhiga ah ee labada dal iyo in Soomaaliya ay ka faa’ideysato fursadaha jira ee dhanka mashaariicda hurumarineed, ganacsiga iyo wax-is-dhaafsiga.

“Dawladda Soomaaliya waxa ay heshiis is af-garad ah kuna saabsan ku biirida hindisaha kabayasha dhaqaalaha la gashay dawladda Shiinaha sanadkii hore, 2018, waxana aan hadda u nimid ka dhabeynta heshiiskaas, waayo dawladaha Africa iyo adduunka oo dhan baa ka faa’ideysanaya, kana faa’idey”.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyey in iskaashiga dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha uu gaaro level cusub oo dhanka iskaashiga, ganacsiga, sare u qaadida dhanka warshadaha iyo wax-is-dhaafsiga labada dad mud 3-sano gudahood, isaga oo rajo wanaagsan ka qaba, xusayna dhinacyada ay is ka kaashan karaan

“Waxa aan sidoo kale ka faa’ideynaa Shiinaha dhisida kaabayasha dhaqaalaha sida wadooyinka, dekadaha, eeraborada iyo sare u qaadida technology-yada, waxbarida dhalinyarada, u abuurada shaqo. Hurumarinta beeraha iyo kalluumaysiga”. Ayuu yidhi Cawad.

Dhanka kale Wasiir Cawad iyo wafdi uu hogaaminaya ayaa ka qayb-galaya shir u dhaxeeya wasiirada arrimaha debbadda Africa iyo madaxda hay’adaha maaliyada waddanka Shiinaha kaasi oo lagu daba-galayo hir-gelintii natiijada ka soo baxday shir madaxeed dalka Shiinaha iyo Africa ee ahaa iskaashiga labada dhinac loona yaqaan FOCOC.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *