Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dhagayso: Soomaaliya & Qatar oo kala saxiixday heshiis ku kacaya 200 milyan dollar (sawirro)

28 Nov 2017 (Puntlandes) Wafddi ka socda Dowladda Qadar oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa waxay kala saxiixdeen DFS mashaariic kala duwan oo ay ka fulin doonaan Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Heshiis ayaa waxa ay dowladda Qadar ku bixinaysaa lacag dhan $200 Milyan oo doollarka Mareykanka ah taasoo lagu fulin doono mashaarciida kala ah:.

  1. Dhismaha Wadada Muqdisho iyi Jowhar
  2. Dhismaha Wadada Muqdisho iyo Afgooye
  3. Dhismaha xarumo Wasaaradood oo Muqdisho ku yaala

Waddigan oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxaa ay dib ugu laabanayaan dalkooda kaddib heshiiska ay la galeen Dowladda Soomaaliya.

Qadar waa dalka ay go’doomiyeen afarta dal ee Khaliijka Carabta ugu tunka weyn,waxaan Soomaaliya ay ka id tahay Waddamada khilaafkaas dhex dhexaadka ka noqday.

Lacagta ay ballan qaadday Dowladda Qadar ayey sheegeen in uu bixinayo Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta dowladda Qadar.11

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *