Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Dhismaha Jidka isku xidha Muqdisho iyo Jowhar oo Gaadiidleyda Farxad geliyey

Gaadiidlayda wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ayaa soo dhoweeyay bilaabista dayactirka lagu sameynayo wadada laamiga oo aan muddo dheer helin wax dayactir ah.

Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa sheegay inay tahay arrin wanaagsan in la dayactiro wadadan waxana ay ka codsadeen dowlada federalka in dhaqso lagu dhamaystiro dayactirka wadada.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, kaasi oo dib u dhis casri ah lagu sameynayo, isla markaana la saarayo laami.

Shalay ayaa lagu arkayay gaadiidka dhismaha wadooyinka oo howlaho dayactir ah ka bilaabay wadadan.

Inkastoo dowladu ay bilowday dayactirka ayaa hase ahaatee ammaanka wadada isku xirta magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo qeyb ka ah dhismaha wadadan ay tahay mid qaraxyo ay ka dhacaan.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran  ee Haramcad ayaa lagu Arkayey iyagoo sugaya Amniga.

Balse waxaa Nasiib darro in Jidkaasi ay dhisayaan Dawlado Shisheeye, hadana laga ilaalinayo inuu Qarxiyo Muwaadin Soomaaliyeed oo damiir naxa aan lahayn.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *