Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Diyaaradda Caalamiga ah ee Qatar Airways oo Duulimaad Toos ah ka Bilowday Muqdisho iyo Munaasibadii

Shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa Maanta Duulimaadkii ugu horeeyay Waxay ku timid  magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, Waxaana Munaasibad  lagu Daah furay loogu Qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Qatar Airways ayaa duulimaad ku tagta 87 dal oo caalamka ah, waxaana shirkaddu shantii sanno ee u dambeysay ay noqonaysay midda koowaad ama labaad ee ugu horreysa shirkadaha duulimaadyada caalamka oo dhan, waxaana ay ka mid tahay shirkadaha ugu weyn caalamka ee duulimaadyada.

Billowga duulimaadkeeda cusub ee Soomaaliya ayaa loo arka mid horumarinaya duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada caasimadda Muqdisho oo horey ay duulimaadyo uga sameyn jireen diyaarada Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.

Arrinta kale ee muhiimka ah in la xuso ayaa ah in loolanka shirkadahan caalamiga ah uu fursad u noqonayo bulshada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika iyo Yurub ku nool, kuwaas oo dhaqaalo badan ku imaan jirey dalka, kuna dhib qabay safarada ay ku imaanayaan gudaha dalka,balse wixii hadda ka dambeeya waxay heli doonaan duulimaadyo joogto ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *