Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

doonyihii sidey alshabaabkii qabsaday garacad oo naakhuude ka mid ahi ka warbixiyey

Nimanka soo afduubtay ayuu sheegay in Alshabaab ay ahaayeen ayna ku amreen in kaluunkoodii ay soo jilaabteen badda ku daadjaan, waxaana ay kusii amreen inay qaadaan qiyaastoo 250 ruux, kuwaas oo tirada guud uu sheegay in ay garayaan ilaa 1000 dagaal yahan.

”Anagu waxaan ahayn maxbuusiin waxaan soconaynay 3 Maalmood, waxayna amar ku bixinayeen xittaa xawaaraha aan ku soconayno, waxay ahaayeen niman ana wada hadlayn marmarka ay hadlayaan qalab ayay kuwada hadlayeen ma aanan fahmayn luuqadooda” Ayuu Yiri Naakhuudaha u Waramay Warsidaha PuntlandOne.com

Waxaa uu sheegay inay ku amreen inay geeyaan Garacad,isagoona intaas raacshay in markii dambe ay fasaxeen oo ay siiyeen Taleefonadoodii gacanta oo markii hore laga qaaday.

”Waxna namaysan siin kharashkeena inaga ayaa isku qabnay, waxaan kaloo aan ku qiyaasay da’dooda 16 ilaa 18 iyo raga waawayn oo hogaaminayay” Ayuu Yiri Cabdisalaan Cali Axmed.

Doonyaha ayuu sheegay in intooda badan laga leeyahay Puntland, waxaa uu sheegay in doonyaha meesha ay ciidanka kasoo qaadeen mel ay magaceeda ku sheegayeen Baran halkaas oo ku dhow Deegaanka Ceel macaan oo hoos yimaada Degmada hobyo ee Gobolka Mudug.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *