Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

doorashada baarlamaanka aqalka sare ee hirshabeele oo la soo bandhigay dadka ku guuleystey qaarkood

Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta Bilaabay Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Iyadoo kursiga koowaad ee Xildhibaanka Aqalka sare u matalaya maamulka Hirshabeelle loo doortay Cusmaan Axmed Macow oo noqday Xildhibaankii u horeeyay, isagoo helay 73 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdinuur Ibraahim Farey uu helay 24 cod, halka hal cod uu xumaaday.

Guddoomiyaha Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta, isagoo sheegay in Cusmaan Axmed macow oo ka soo jeeda Gobolka Hiiraan, uu yahay Xildhibaanka Aqalka sare.

Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ah siyaasi iyo Aqoonyahan ayaa goor dhow ku guuleystay kursiga labaad ee Aqalka sare Maamul goboleedka Hirshabeelle, isagoo helay helay 85 cod, halka Musharaxa kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Jaamac Xuseen Xaashi uu helay 12 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

Maamulka Hirshabeelle waxaa Aqalka sare ka soo gaartay 8 kursi, waxaana hadii maanta la doorto uu ku biirayaa maamulada Puntland, Galmudug, Jubbaland, iyo Koofur Galbeed oo soo gudbiyay, halka xubnaha Aqalka sare ee Somaliland ka imaanaya aan wali la soo dooran.

waxaa layaab noqotay Suudi Yalaxow oo isna noqday xildhibaan ka tirsan xildhibaanada aqalka sare u matalaya Hirshabeele.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *