Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

DOORASHADA XUBNAHA BAARLAMAANKA FEDERLKA EE S/LAND OO LA HAKIYEY.

madashaDoorashadii Aqalka Sare ee xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maanta lagu waday inay ka dhacdo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhac ku yimid.

Xubin ka mid ah Guddiga doorashooyinka ayaa xaqiijiyay dib u dhaca ku yimid doorashada Aqalka Sare, waxaana doorashada ay u dhacday maalinta Sabtida.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha dib u dhaca keenay ay tahay, iyadoo aan wali xal laga gaarin tabashada ay qabto Puntland ee ku aadan in labo ka mid ah xubnaha ka soo jeeda Sool iyo Sanaag lagu soo daro Puntland, oo aan lagu darin kuwa Somaliland.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey oo ka qeyb galaya shirka Madasha uu ku hanjabay inuu shirka isaga bixi doono, hadii la qabto DOORASHADA  maanta.

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa maalin ka hor lagu qabtay xarunta Gaadiidka Booliska, waxaana la doortay illaa lix xildhibaan.KA DIBNA ISTAAGTEY .sababtoo ah loolanka siyaasadeed ee u dhexeexa DADKA AAN CIDNA METELIN EE KA SOO JEEDA SOMALILAND ,MADAXWEYNE XASAN IYO RAIISAL WASAARE CUMAR..

KURAASTA PUNTLAND EE AQALKA SARE lagula hadhay magaalada Muqdisho oo weli murankoodu ka socdo magaalada MUQDISHO AYAA la filayaa in MAANTA GOAAN LAGA GAARO.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *