Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowlada kenya oo soo eridey safiirkii somaliya safiirkoodiina u yeeratay

Dowladda Kenya ayaa amar ku siisay inuu dalkeeda ka baxo safiirka Soomaaliya ka jooga Amb. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), sida laga soo xigtay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaa.

Kenya ayaa sidoo kale u yeertay safiirka u jooga Muqdisho, Lt. Gen. Lucas Tumbo
,iyadoo go’aankan sabab looga dhigay in dowladda Soomaaliya ay ku xadgudubtay xuduudda Badda ee Kenya.

Waxaa kalo xukuumadda Nairobi laga soo xigtay in dowladda Soomaaliya ay tartan gelisay Bad ay leedahay Kenya si shidaal looga baaro Soomaaliya.
Wasiirka arrimaha dibadda Macharia Kamau , ayaa sheegay Soomaaliya si taxadar la’aan ah isaga indho tirtay xeerarka caalamku aqoonsan yahay ee muranka xuduudaha, iyo sidoo kale khilaafaadka siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed,sida ay baahisay warbaahinta Kenya.
Labada dal waxaa muddo u dhaxeeyay muran dhinaca badda ah,iyadoo dacwad ay gudbisay dowladda Soomaaliya ay taallo maxkamadda caalamiga ah,balse xiriirka labada dal wuxuu ahaa mid wanagsan.
Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan nabad ilaalin ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ma jirto ilaa hadda war ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay go’aanka dowladda kenya

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *