Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda maraykanka oo sheegtay iney duqayn ku dishey saraakiil ka tirsan alshabaab

Dawlada Mareykanka ayaa sheegtay in saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku dishay duqeyn tuula Kanjaroon ee Jubada Hoose.

Tuulada Kanjaroon ayaa ku dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya.

Duqeyn diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku fuliyeen ayaa dawlada Mareykanku sheegtay in lagu dilay afar sargaal oo Al-shabaab ahaa oo uu kujiray Bashiir Dheere.

Waxay tafaasiisheeda raacisay in Bashiir uu ahaa taliye ku xigeenkii xarakatu Shabaab ee Jubada Hoose.

Waxaa bayaan kasoo baxay dawlada Mareykanka lagu xusay in duqeynta la qaaday kadib markii dabley ka tirsan ay weerartay ciidamada Soomaaliya ee ku sugan gobolka Jubada Hoose iyo la-taliyeyaal Mareykan ah oo la shaqeeya.

Duqeynta ayay sheegtay inay iska caabin ahayd ayadoo hawsha la-taliyeyaasha Mareykanku ka wadaan Soomaaliya ay ku sheegtay inay tahay uun la talin qura

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *