Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

dowladda shiinaha oo lacag ugu deeqday ciidamada amison ee ka howlgala dalka somaliya

Dowladda Shiinaha ayaa lacag ugu deeqday howlgalka midowga Africa ee AMISOM ee ka socda dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ciidamada ka socdo dowladaha kala duwan ee Africa iney Soomaaliya u joogaan xaqiijinta amaanka iyo caawinta ciidamada dowlada Soomaaliya, ayna muhiim tahay in lagu taageero howlgalkooda.

Shiinaha ayaa ku dhawaaqay in dhaqaalo gaaraya 1.2 milyan oo doolar ay ugu deeqeen howlgalka AMISOM ee ka socdo Soomaaliya, waxaana dhaqaalahaasi loogu talo galay in tababar iyo qalabeyn loogu sameeyo ciidamada AMISOM.

Gudoomiyaha gudiga nabad galyada iyo amaanka ee Midowga Africa Ismail Chergui ayaa sheegay in shiinaha lacagtaasi ay ugu deeqeen AMISOM, waxaana uu sheegay in la marsiin doono wadada dowlada Shiinaca ugu talo gashay.

AMISOM ayaa Soomaaliya u joogta nabad ilaalin, waxaana dhaqaalo ku bixiya Midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *