Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Garoowe oo lagu doortay Xildhibaanadii Aqalka sare ee Siciid Deni soo Xulay

Doorashadii ka socotay magaalada Garoowe ee ay Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ku soo dooranayeen Xubnaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland ayaa la soo gababeeyay.

Illaa 11 Senator oo saddex ka mid ah ay yihiin dumar ayaa la doortay iyadoo qaarkood lagu doortay hab gacan-taag ah kadib markii ay u tanaasuleen murashixiin kale oo kula qornaa kursiga Aqalka sare.

Halkaan hoose ka akhriso magacyada xubnaha loo doortay Aqalka sare:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

2- Maxamed Cali Yuusuf Gagaab

3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)

4- Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)

5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).

6- Daahir Ayaanle Siciid

7- Farxaan Cali Xuseen

8- Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)

9- Cabdiqani Geelle Maxamed

10-Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad

11-Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

Doorashada Puntland ka dhacday ayaa Arimo Qosol badan ay hadheeyeen Kadib markii ay soo baxeen dadkii uu soo Xulay Madaxwaynaha Puntland,  Islamarkaana  waxaa madasha la keenay ama lagu Qurxiyey  (Malxiisyo Siyaasadeed).

Aqalka sare oo la ogyahay in Qof aanu Madaxwaynaha Maamulku soo Gudbin kazoo muuqan Karin, waxaa Haboonayd in laga dhigo magacaabis, Sidaasna lagu horgeeyo Baarlamaanka, oo Runta loo Badheedho.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *