Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Guddi-hoosaadka Aqalka Sarre ee Minnesota oo wax khalad ah ku waayey Senator Cumar Faatax ST. PAUL –

Guddi-hoosaadka senate-ka Minnesota ayaa laalay cabashooyin iyo eedayn ka dhan ahaa Senator Cumar Faatax . Xisbigga Jamhuuriga madax kamid ah ayaa cabashooyin ay ku eedaynayaan in uu khaladaad iyo xad-gudub xaga xeerka anshaxa Aqalka Sarre ee gobolka Minnesota uu ku xadgudbay Senator Cumar Faatax ay soo gebagabeeyeen Guddi-hoosaadka Aqalka Sarre iyo Senate-ka u qaabilsan dacwooyinka iyo wixii baaritaan ah ee la xiriira senatoradda laga soo door gobolka Minnesota.

Hadaba kullan ay maalintii Arbacadda yeesheen Guddi-hoosaadka Aqalka Sarre ee gobolka Minnesota ayeey wax cadeyn ah ama khalad ah ku waayeen cabashooyinkii lagu soo eedeeyay senator Cumar Faatax. Kullankan oo ahaa dhagaysii ama kal fadhigii afraad iyo kii u dambeeyay ee la xiriira arrintan, ayeey Guddi-hoosaadka Anshaxa Guurtida Aqalka Sarre ay go’aamiyeen in aanay jirin caddayn ku filan oo lagu sii wadi karo cabashooyinka laga soo gudbiyay senator Cumar Faatax.

Guddi-hoosaadka Anshaxa ee golaha guurtida senate-ka Minnesota ayaa meesha ka saaray dacwadiihii iyo cabashooyinkii la xiriiray ku xadgudubka sharciyadda Anshaxa Aqalka Sarre ee gobolka Minnesota ee ka dhanka ahaa Senator Cumar Faatax. Sidoo kale guddiga ayaa kula taliyey in uu senator Cumar Fatex tababar ka qaato guddiga maaliyadda ee Minnesota Campaign Finance oo ah guddi iyagu qaabilsan arrimaha la xiriira maareynta maaliyadda musharixiinta iyo shaqsiyaadka iyagu si rasmi ah tartan ama olole siyaasadeed doorasho u gala, dhaqaale doorashadda la xiirarana loogu deeqo.

Dacwadda la xiriirta cabashooyinka lagu soo eedeeyay Cumar Faatax ayaa socday mudoo dhowr bilood ah, waxayna arrintani soo afjarantay maalintii Arbacadda markii wax khalad ama dembi ah lagu waayey, cadeyna loo waayey senator Cumar Faatax. Cumar Faatax oo waalidkiis ay Soomaaliya ka haajireen, kuna dhashay dalka Mareykanka ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo loo doortay in uu ka mid noqdo Senate-ka gobolka Minnesota ee waddanka Mareykanka bishii November sannadkii 2020. Cumar Faatax ayaa markale doorasho u taagan oo hadda ku gudo jira ololaha uu ugu jiro sidii markale loo soo dooran lahaa.

Allsanaag.com

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *