Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Guddiga doorashada: Waa in si degdeg ah dowlad goboleedyadu ku bilaabaan doorashada golaha shacabka

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladdaha xubnaha ka ah dowladda federalka Soomaaliya iyo guddiga maamulaya kuraasta banaadiriga in ay bilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka.
War-saxafaaddeed kasoo baxay guddiga doorashada ayuu ku sheegay guddigu, si looga gudbo marxalada kala guurka ah ee wadanku ku jiro, in si degdeg ah loo bilaabo doorashada xildhibaannada aqalka hoose.

Labadii xildhibaan ee ugu horraysay ee golaha shacabka ayaa shalay lagu doortay magaalada Muqdisho, iyadoo ay harsan yihiin yihiin 273 xildhibaan oo ka kala imaanaya shanta dowlad goboleed, Somaliland iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheikh Axmed, ayaa yadadiilo wanaagsan ku tilmaamay bilaabashada doorashada golaha shacabka, wuxuuse ka digay wax kaste oo dhaawici kara daahfurnaanta doorashada.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *