Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudiga doorasha dadban ee heer federaal ayaa sheegay iney waraaqda aqoonsiga siinayaan xildhibaanada la doortay

loogada

Mogadishu, Somalia                                     29 Nofeember 2016

War Saxaafadeed

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxuu shaacinayaa in uu bilaabayo bixinta shahaadada xildhibaannimo oo la siin doono xildhibaanadda ku gulaystay doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha shacabka.

Waxaa dhamaan xildhibaanada la doortay ilaa iyo hadda lagu wargelinayaa inay lasoo xiriiraan xarunta Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban ee magaalada Muqdisho inta u dhaxeysa 30ka Nofeembar ilaa 4ta Deseembar 2016ka si ay u qaataan shahaadada cadeyneysa xildhibaanimadooda.

GFHDD wuxuu shahaadada siin doonaa keliya xildhaabanada labada gole oo aysan wax dacwad ah oo la xariirta hannaanka lagu doortay ka oolin Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (GXKHDD). Labada guddi ayaa isla asteyn doona kuraasta dacwada ka taal ee bixinta shahaadooyinkooda dib loo dhigi doono inta go’aan laga gaarayo

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *