Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudoomiyaha amniga iyo nabada U A Xiliga Somaliya Laga Bilaabayo Hawlgalka ATMIS Oo la Shaaciyay

Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda, amniga iyo nabadgelyada ee Midowga Afrika, Danjire Bankole Adeoye, oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa shaaciyay in 1-da bisha April uu hawlgal cusub ka shaqo billaabi doono Soomaaliya.

Hawlgalka cusub oo lagu magacaabo African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) ayaa hawsha kala wareegi doono African Union Mission in Somalia (AMISOM), waxaana lagu wadaa inuu xoogga saaro sidii amniga dalka ay ula wareegi lahaayeen ciidamada Soomaaliya.

Danjire Bankole ayaa sheegay in Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya ay ku heshiiyeen qorshaha hawlgalka cusub, ujeedooyinka laga leeyahay iyo muddada uu socon doono.
“7-da March 2022, waxa ay 15 sano u buuxsami doontaa hawlgalka AMISOM oo waxbadan ka qabtay nabadeynta Soomaaliya.
ATMIS waxa ay xoogga saari doontaa saddex arrin oo kala ah; diyaarinta ciidan si fudud u ciribtira Al-Shabaab iyo xooggaga lamidka ah, nabadeynta dalka iyo in mas’uuliyadda amniga ay la wareegaan ciidamada Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Bankole.

Golaha ammaanka iyo nabadeynta ee Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ka hor 31-ka March ay soo geba gabeeyaan hannaanka kala guurka ah ee AMISOM ay ugu wareegayso ATMIS.

Hawlgalka cusub ayaa la filayaa inuu socdo muddo cayiman, dhaqaalihiisana ay bixinayaan Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *