Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

gudoomiyaha g/banaadir ayaa gudi u magacaabay barakacayaashii Taabit iibsadey dhukii ay deganaayeen

           Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) ayaa guddi baaritaan u saaray  dad barakacayaal ah oo dhammaadkii sanadkii tagey xoog looga raray dhul ay deganaayeen wakhtigii Taabit.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa faray guddiga uu magacaabay in baaritaan deg deg ah oo hufnaan iyo daah furnaanba leh ay ku sameeyaan habkii looga saaray dhul ku yaalla deegaanka KM 13 dadkii barakacayaasha ahaa ee daganaa.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in magacaabista guddigan ay salka ku hesyo cabashooyin is-daba joog ah oo ay gobolka u soo gudbiyeen dadkii barakacayaasha ahaa, iyagoona tilmaamay in lagula-kacay xad-gudub .

Yariisow ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka qabashada xad gudubyada ka dhanka ah dadka nugul, iyadoona xoogga la saari doono sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sharciga.

        tabashooyinka ay qabaan dadka barakacyaasha ah. Maamul ahaan waxaa naga go’an in aan dhidibada u taagno hannaan ku saleysan ilaalinta sharciga iyo xuquuqda muwaadinka.

Guddiga  ayaa ka kooban shan xubnood waxaana hoggaamineysa Guddoomiye ku-xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee gobolka Marwo Basma Caamir Axmed, iyadoona xubnaha kale ay kala yihiin, Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi, Zakiya Axmed Xuseen, Mahad Xuseen Axmed iyo Drs Hodan C/llaahi Cali oo ka kala tirsan hay’adaha xuquuqul Insaanka, Maamulka Gobolka iyo bulshada rayidka ah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *