Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Gudoomiyihii maxkamada gobolka Sool oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray

Gudoomiyihii maxkamada Gobolka Sool Xasan Sheekh Maxamuud Cumar ayaa la xaqiijiyey inuu ku geeriyoodey qarax lala eegtay gaadhigiisa xili uu sii gelayey hotel Xamdi oo ku yaal bariga magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Waa markii ugu horeysay oo qarax gaari lagu xiro uu ka dhaco magaalada Laascaano. Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda weerarkaan.

xidhiidh aan la samaynay masuuliyiin kala duwa ayaa noo xaqiijiyet in gudoomiyuhu uu ku sugnaa xarun ay Wasaaradda Masliyadu leedahay oo aan ka fogayn hotelka uu degan yahay intii aanu u dhaqaaqin dhinaca Hotelka oo qaraxu ku haleelay.

Sida ay noo xaqiijinayaan dad goobta ka dhowaa ma jirin cid la saarayd gaadhiga waqtiga uu qaracu dhaxu dhacayey oo ahayda 5:35daqiiqo ee galabta, ilaa hadana masuuliyiinta amaanka iyo kuwa xukuumaduba waxa ay ku gaabsadeen in la baadhayo garaxan.

Arintan ayaa ah mid walaac weyn ku soo kordhinaysa masuuliyiinta garsoorka oo sanado badan amaan ku sugnaa iyadoo horey qaar badan dil loogu geystey magaalada Laascaanood.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *