Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

jen,cabdullahi gaafow oo noqon doona taliya rasmigaa ee ciidanka nabad sugidda

gaafowJen. C/llaahi Gaafow oo si KMG ah u haayo xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka si rasmi ah xilkaas loogu magacaabi doono maalmaha soo socdo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay go’aansadeen in Jen. Gaafow loo daayo xilkan, si rasmi ah loogu magacaabo.

Jen. Gaafow ayaa isku hayay xilka Taliyaha Laanta Socdaalka iyo kan Nabadsugida oo bishii hore si KMG loogu magacaabay markii xilka laga qaaday Taliyihii hore Jen. Tuur Yare.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la kala qaadi doono labada xil oo uu hada isku haayo, gaar ahaan xilka Laanta Socdaalka oo lagu wado in qof kale loo magacaabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan magacaabay xilka Taliye kuxigeenka 1aad ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka, kaasoo loo magacaabay Ismaaciil Cusmaan, sidoo kale waxaa xilkaas la wehliya dhinaca Tiknoolijiyada iyo la dagaalanka Argagixisada.

Afartii sano ee Madaxweynaha xilka hayay ayaa waxaa Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka soo maray shan taliye .

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *