Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Jubbaland oo ku eedeeysay dowladda federalka in ay masuul ka tahay dayaca ka jira garoomada diyaaraddaha Jubbaland

Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowladda federalka  in ay sharuuc qaldan ku maamuusho garoomada diyaaradaha ee ku-yaalla gobolka Gedo oo ay dowladda federalku maamusho.

War-saxaafaddeed kasoo baxay wasaaradda duulista hawada iyo garoomada ayaa lagu sheegay in dowladda federalku dayacday bed qabka garoomada ay gacanta ku hayso, taasoo sabab u noqotay in shilalka diyaaradduhu kusoo bataan.

Wasaaradda duulista Jubbaland waxay codsatay in dib gacanteeda loogusoo celiso maamulka garoomada diyaaraddaha, si loo ilaaliyo bed qabka nafta iyo ilaalinta hantida ummadda Soomaaliyeed.

Shalay ayay ahayd markii diyaarad xamuul ah ay ku gubatay garoonka diyaaraddaha ee magaalada Doolow.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *