Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Kenya oo Arinta Badda Kasoo saartay Warbixin Cusub oo Calaacal u badan

Dawladda Kenya ayaa qoraal ay soo saartey waxay ku sheegtay in sababta ay dacwadda badda uga qaybgali weyday ay tahay; Cadaalad darrada maxkamadda ICJ, xanuunka Covid19 oo hoos u dhigey diyaargarowgii Kenya, iyo Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah garsoore Soomaali ah.

Sidoo kale, Kenya waxay ku muusanowday in Soomaaliya ay kaga dhinteen ciidan badan, kuwaasi oo Soomaaliya ka difaacayay waxaa ay ku tilmaantay ‘Argagixisada iyo Budhcad baddeeda’.

Kenya waxaa kale oo ay u sheegtay maxkamadda cadaaladda adduunka in arrinta muranka Badda ay gacan saddexaad oo dano ganacsi leh ay ku jirto, kuwaasi oo dab kusii shidaya kiiska, sida ay ku tidhi qoraalkeeda.

Maalintii shalay waxaa soo dhamaaday Dhegaysiga Dacwadda Badda  Soomaaliya iyo Kenya, waxaana la filayaa inay  Maxkamaddu ku dhowaaqdo Go’aankeeda Bilaha soo aadan.

Maxay kula tahay adiga ?

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *