Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Kenya oo gashay Bandow Cusub iyo Madaxwayne Uhuru oo ku dhowaaqay Sababta

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kordhiyay bandowga xiliyada habeenkii saarnaa magaalooyinka Keyna, isagoo soo saaray awaamiir lagu xoojinayo ka hortagga faafidda xanuunka COVID-19 oo kiisaskiisu ay kordheen.

Madaxwayne Kenyatta ayaa kordhiyey Bandowgii saarnaa Magaalooyinka waawayn ee dalka Kenya, iyadoona ay Kordheen Kiisaska dadka laga helayo Xanuunka.

Waxaa sidoo kale la mamnuucay isku imaatinka iyo Kulamada dadwaynaha, Wuxuuna tilmaamay inay Arintan keentay dadka oo aan Dan wayn ka gelin inay Xakameeyaan Xanuunka.

Muddo 60-Maalood ah ayaa lagu kordhiyey Bandowga Habaynkii, Waxaana meesha ka maqnaan doona Kulamada Bulshada Sida Aroosyadda, Xafaladaha iyo Cibaadooyinka, Wuxuuna Amray inay ka Qayb geli karaan dad Kooban.

Tallaabooyinka Cusub ayaa yimid kadib markii dad badan oo laga helay Xanuunka laga diiwaan geliyey Kenya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *