Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Laba Masuul oo Baladwayne iyo Muqdisho lagu dilay iyo Nin Nolosha lagu Qabtay (Sawir)

Kooxo hubeysan ayaa caawa siyaabo kala duwan magaalooyinka Muqdisho iyo Beledweyne ugu dilay mas’uuliyiin ka kala tirsaneyd maamullada gobolka Hiiraan iyo kan degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Ugu horeyn koox ku hubeysan bistoolado oo tiradooda lagu sheegay seddax nin ayaa caawa fiidkii agagaarka Aargada degmada Deyniile ku toogatay Allaha u naxariistee Cabdi Cabdulle (Cabdi Juge) oo ahaa gudoomiyihii Waaxda Kurdamac ee maamulka degmada Dayniile.

Dilka marxuumkaas kadib ciidamo ka agdhawaa goobta ayaa baacsaday ragii hubeysnaa ee dilay guddoomiyaha, waxayna dhaawac ku qabteen mid ka mid ah 3-dii nin, kaas oo watay bistooladii uu uga qeyb qaatay dilka, sida ay muujinayaan sawirro ay soo bandhigeen ciidamada ammaanka.

Waxaa gacanta ciidamada ka baxsaday laba nin oo kale kuwaas oo dilka marxuumka wax ka geystay, waxaana caawa qeybo badan oo ka tirsan degmada Deyniile ka socda howlgallo lagu baacsanayo ragaas baxsadka ah.

Hoos ka eeg sawirrada ninka loo heysto inuu wax ka fuliyey dilkii caawa ka dhacay Deyniile.

Dhanka kale isla caawa koox hubeysan oo aan weli heybtooda la garan ayaa Faarax Diir Cabdi, oo ahaa guddoomiyihii ururka dhalinyarada gobolka Hiiraan waxay ku dileen magaalada Beledweyne, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa markii uu dhacay dilka guddoomiyihii dhalinyarada gobolka Hiiraan kadib waxay bilaabeen baaritaano ka dhan ah raggii geystay dilkaas, kuwaas oo markiiba goobta isaga baxdasay.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *