Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madasha Sheikh Shariif Hoggaamiyo iyo C. C.shakuur oo ka hadlay go’aanadii Dhuusamareeb

 Madasha Xisbiyada Qaran ee Hoggaaminayaan Madaxwayneyaashii hore  ee dalka Shikh Shariif iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeysay go’aanadii ka soo baxay shirkii Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada oo xalay lagu soo geba-gabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarnunta Galmudug.

Madasha ayaa sidoo kale ammaan weyn u jeedisay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo shacabka Galmdug martigelinta shirka Meeqaamkiisu uu sareeyay.

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogu baaqay madaxda dowlada iyo kuwo dowlad goboleedyada inay si dhab ah u fuliyaan go’aanadii ka soo baxay shirka Dhuusamareeb.

Madasha ayaa ka digtey in uu dalku galo firaaq dastuuri ah haddii aysan doorashadu ku dhicin waqtigeeda.

Dhinaca kale War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur  ayuu kusoo dhaweeyay natiijada wejiga labaad ee shirkii Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo Maamul Goboleedyada, kaas oo xalay lagu soo geba-gabeeyay Magaalada Dhuusamareeb,  Wuxuuna Ugu baaqay dhinacyada shirka ka qeyb-galay in loo istaago ka mira dhalinta wejiga sedexaad ee shirka Dhuusmareeb ee dhacay 15-ka Bisha Agoosto.

Sidoo kale qoraalka Xisbiga Wadajir kasoo baxay ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada inay dedejiyaan Guddiga farsamo ee kasoo talo bixinaya nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.

kalshaale.com

 


<

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *