Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxda gobolka banaadir oo sheegay iuu dhamaaday wakhtigii hantida la ka haysan lahaa

gudoonka  gobalka Banaadir ayaa sheegay in uu dhamaaday wakhtigii la kala heysan lahaa hantida ma guurtada ah, waxa ayna taas bedelkeeda sheegeen in ay qof kasta oo Soomaaliyeed dib ugu celin doonaan Hantidiisa gaarka ah.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka sheegay goob ay shalay ku wareejinayeen Guri mudo ka badan 20 sanno ay si sharci darro ah ay u haysteen dad Soomaaliyeed.Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa u sheegay Saxaafada in ay tanni ka dhigan tahay dhabaha horumarka oo la gaaray, isagoo wax laga xumaado tilmaamay in qof Soomaaliyeed Hantidiisa xoog lagu haysto ay tahay dambi cad oo aan shareecada Islaamku aqbaleyn.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin doonin in si qasab ah ama xoog ah muwaadiniinta gobolka Banaadir loo heysto guryahood.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaa inta dhiman iney ka dhameeyaan gobolka Banaadir isla markaana ay ka hortagayaan cid walbo oo xoog ku heysta hantida iyo guryaha shacabka Muqdisho

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *