Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweynaha jubbaland Axmed Islaan iyo taliyaha ciidanka Booliska somaliyeed Janaraal Xaamud ayaa booqday saldhiga booliska kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Islaan  iyo Taliyaha ciidamada Booliska somaliya Janaraal Xaamud  ayaa booqday saldhiga weyn ee booliska magaalada Kismaayo,Sidoo kalena waxay booqdeen Qaybta is-gaarsiinta booliiska, halkaasoo ay kala haldeen saldhigyada booliiska ee ku yaalla magaalooyinka Muqdisho, Baladweyne, Jowhar, Carmo iyo Baydhabo, iyagoo ka xog-wareystay sida ay hawlahoodu maanta u socdaan. Intaas kaddib, madaxweyne Axmed Madoobe iyo Taliyaha Booliska Somalia, Xaamud waxay kormeereen qaybaha tababbarka, waaxda dambi barista iyo qaybta ciidanka banbeyda, iyadoo Warbixinno ka dhagaystay Hoggaannada iyo sarakiisha kala duwan oo qaybaha ciidamada booliiska Jubbaland. Dhanka kale, Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in ay muuqato rajo ah inay soo noqonayso haybaddii ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo xilligan ku hawl-galaya adeegyo casri ah, isagoo xusay inay abuurayso jawi muujinaya inay soo noqonayso xasilloonnidii guud ee Soomaaliya. Ugu dambeyn, Axmed Madoobe wuxuu intaas ku daray in loo bahan yahay in la xafido dhammaan qalabka ciidanka, gaar ahaan isgaarsiinta oo uu sheegay in haddii cadawga ay u gacan-gasho ay tahay dhabar-jab weyn; loona bahan yahay in mas’uuliyad la iska saaro ilaalinta qalabakan iagaarsiineed ee hadda la siiyey Booliska Magaalada Kismaayo

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *