Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweynaha Puntland oo daahfuray Mashruuc ardayda lagu siinayo Komputaro

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye.

Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Santor Cabdiraxman Maxamed Maxamuud faroole, Sanator Cabdirisaaq Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen, araday, macalimiin iyo masuuliyiin kale.

Mashruucan waxa uu xoogga saarayaa Waxbarashada Caruurta ee maadooyinka Sayniska, Tijnoolajiyadda (Technology), injineerinka (Engineering) iyo Xisaabadka.

Qorshaha barnaamijkan ayaa ah in loo iibiyo kombiyuutaro illaa toban kun oo arday ah kuwaasoo wax ka dhigta 18 dugsi oo isugu jira kuwo dhexe iyo dugsiye Sare.

Madaxwaynaha Puntland ayaa balan qaaday in Madaxtooyada Dawladda Puntland ay sanadkiiba ku taageerayso mashruuca 1,000 Kambiyuutar si kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland si ay awood ugu yeeshan maadooyinka Sayniska.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada farsamada gacanta.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Qurba joogta gacanta ka gaysatay, isagoona kula dar-daarmay in mashruucan iyo kuwa lamidka ahba la dhowro.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *