Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Madaxweynaha somaliya oo gaadhey Kismayo iyo shirkii oo baaqday

mad kism2Waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaalada kismayo Madaxweynaha dowladda federalka  somaliya ,waxaana halkaasi ku soo dhoweeyey madaxweynaha ,madaxweyne ku xigeenka jubbalnd iyo dadweyne aad u fara badan ,wuxuu garaanka diyaaradaha salaam kaga qaatay ciidamada jubbland qaar ka mid ah,sidoo kale halkaasi waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka qaar ka mid ah.

Waxaa horay magaalada kismaayo uGu sugnaa ,Raiisal baarlamaanka somaliya ,Raiisal wasaaraha somaliya ,madaxda dowlad goboleedada qaarkood,wasiiro ka tirsan dowladda federalka  iyo kuwa ka socda maamul goboleedada,  marti ka socota ururada ku howlan arimaha somaliya,iyo wadamada daneeya arimaha somaliya.kuwaa soo u jooga magaalada kismaayo  shirka la filaayo in lagu qabto magaaladaasi ,shirkaasoo lagaga arinsanayo aayaha somaliya ka dib 2016ka sida uu noqonayo.

Shirkaasi oo baaqday maalintii afraad (4aad) oo wufuudu ku sugan tahay magaaladaasi, sababtuna ay tahay madaxweynaha iyo wasiirkiisa arimaha guda oo ka door biday Somali shirka ay isugu timid ,iney isku mashquuliyaan furitaanka shirka Jowhar ka socda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *