Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne farmaajo oo u dhoofay dalka masar isagoo laba maalmood joogey muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo ay u dhoofeen magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar, mana jiro wali wax war ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo ku aadan ujeedka Safarka Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa inta uu dalka Masar uu joogo la kulmo madax sare oo katirsan dowlada Masar uuna kala hadlo arimo badan ay kamid tahay xoojinta xariirka labada dal.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu maanta ugu dhoofay dalka Masar ayaa kusoo aadaya xili uu isbuucan socdaalo ku tagay wadamada Burundi iyo Jabuuti oo xiriir dhaw la leh dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *