Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne xasan ayaa ka codsaday iney ansaxiyaan hanaanka doorashooyinka ee lagu heshiiyey

Madaxweynaha  Wasaaraha ayaa gaaray xarunta Golaha Shacabka, halkaasoo uu shir uga socdo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, iyadoo Xildhibaanada ay kaga doodayaan hanaanka geeddi socodka doorashooyinka ee uu bishii hore u soo gudbiyay Ra’iisul Wasaaraha.Waxaan ognahay in muran badan ka taagan yahay dowladda iyo baarlamaanka qaarkii dhexdooda

Xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay cod u qaadaan heshiiskan, iyadoo Madaxda dowladda ay ku cadaadinayaan in kama dambeys ay heshiiskan ansixiyaan.

Sharciyaynta qaab doorasheedka   ayaa waxaa ka soo shaqeeyay Guddi ka kooban 25 xildhibaan oo Baarlamaanka u saaray dib u eegista go’aamadii ka soo baxay Madasha wadatashiga qaran ee ku saabsanaa qaabka doorashada u dhaceyso sanadkan, iyadoo Guddigan wax ka bedel ku sameeyeen qodobada qaar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay Xildhibaanada ayaa ka codsaday inay ansixiyaan qaabka doorashada lagu geli doono, si looga baxo jahwareerka uu dalka ku jiro.

“Hadii aan tashan weyno waa naloo talin, waxaa idinka codsanaa inaad ansixiyaan hanaanka geeddi socodka doorashooyinka, si dalka uga baxo jahwareerka uu ku jiro, waqtiga yar ee harayna aanu lumin”ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay tabashooyinka ay qabaan dadka reer Gobolka Banaadir ee ku aadan Aqalka sare ee Baarlamaanka, isagoo xusay in taasi ay daruufo keentay, isla markaana dhinacyada tabashada qaba ay la fariisan doonaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *