Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxweyne xasan oo gaarey dalka itoobiya

adaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta Waddanka Itoobiya, isagoo uga gudni doona degmada Baxar-daar oo uu uga qayb-gelayo doona shirkii shanaad ee madasha Amniga Qaaradda Afrika oo berri furmaya.

Shirkaan, ayaa looga hadli doonaa kaalinta Qaaradda Afrika ee Amniga Dunida iyo Hawl-gallada Ciidamada Nabad-ilaalinta ah. Waxaana ka qayb-geli doona mas’uuliyiin ka socda Caalamka iyo Qaaradda Afrika.

Kulankaan, ayaa kulmiya Madaxda Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka Amniga, khubarro iyo hay’ado kale. Waxaa madaxda Afrika isku-dhaafsadaan fikrado la xiriira sida mashaakilka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa ka soo duulay magaalada Khartuum xarunta dalka Suudaan, halkaas oo uu booqasho rasmi ah ku joogeen muddo laba maalmood ah.

Sidoo kale had iyo jeer waxaa caado u ah dowladda itoobiya  iney waxbadan ka ogaato oo ay go,aanka kama dambaysta ah yeelato shiraraka ay somaalidu yeelato.

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *