Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY MADAXWEYNAHA DIB LOO DOORTAY EE PUNTLAND SACIID CABDULLAAHI DENI IYO MADAXWEYNE KU XIGEENKA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY MADAXWEYNAHA DIB LOO DOORTAY EE PUNTLAND SACIID CABDULLAAHI DENI IYO MADAXWEYNE KU XIGEENKA
Muqdisho, Jannaayo 08, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor hoggaanka la doortay in ay ku guleystaan waajibaadka loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *