Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

madaxwynaha p/l cabdiweli maxamedmcali gaas oo arkay warshada birta culus ee dalka itoobiya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hawlo ushoqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddankaasi Ethiopia ayaa kormeeray  Warshadda samaysa Birta Culus iyo qalabka dhismaha waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, wershedaas oo magaceeda loosoo gaabiyo METEC iyo sidoo kale Warshadda samaysa qalabka korontada cadceeda laga dhaliyo.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku weheliyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indho-guran iyo Danjiraha dawlada Puntland ujooga Dawlada Ethiopia Mudane. Mahad Faarax Gaas.

Madaxweynaha ma aha markii uGu horeysey ee uu oo marao warshadaha dalka itoobiya ,horaya ayuu u soo maray tan hubka iyo kwo kale. Mdaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey xarumaha shirkadaha uu booqday waxaa ku soo dhoweeyey maamulka shirkadahaasi, isla markaana warbixino ka siiyeen Madaxweynaha qaabka ay u shaqeeyaan iyo sidoo kale isbedelleda ay ku sameeyeen kaabayaasha dhaqaalaha ee waddankaasi Ethiopia.

Dhinaca kale ujeedka kormeerka Madaxweynaha Dawaldda Puntland ayaa salaysan sidii ay dawladda Puntland iyo Dawladda Ethiopaia isaga kaashan lahaayeen ka faa’iidaysiga xoogga korontada iyo Birta Culus P/L ay uga iibasan lahayd waxyaalaha ay wershadaha itoobiya soo saaraan halka ay dalal fogfog uga raadsan lahaayeen

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *