Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

maleeshiyaad ka soo jeeda galmudug ayaa ku dilay dad shacab ah gaari ay jidka u galeen

(Puntlandes) Goor dhaw ayaa waxay malayshiyo kasoo jeeda dhabka Galmudug waxay jidka u galeen Gaari rakaab ah oo u socday dhanka magaalada Gaalkacyo, iyagoo dadna ku dilay kuwana ku dhaawacay.

7a

Malayshiyada Galmudug ayaa gaariga ku dilay 3 nin, halka ay dhaawac culus u gaysteen gabar.

Sadexda nin ee la dilay ayaa labo waxay ahaayeen wiil iyo aabihiis oo kasoo jeeda Beesha Cumar Maxamuud/Maxemed Cumar, halka ninka kale uu yahay beesha Awrtable.

Gaariga ayaa marayey markii Galmudug weerartay Godod iyo Gacmafale dhexdooda, wuxuuna ka yimid Balibusle isagoo u socday magaalada Gaalkacyo.

Waqtiyadii u dambeeyey ayaa waxaa socday shirar loogu magac daray nabadayn oo ay xukuumadda Gaas garwadeen ka ahayd, kuwaasoo ah “hal bacaad lagu lisay”, maadaama aysan Galmudug nabadgelinayn shacabka gobolka Mudug.

Nabad MAAWEELO ah ayaad moodaa inay wadaan maamulka uu madaxda ka yahay Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *