Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

maqaal/dhibaatooyinka uu u leeyahay “qaadku”dadka cuna,waxaa qoray c/kariin jiirow sharmarke

Intii aan joogay ADC-da ayaa waxaan qaadnay qaadka miirooga ah iyo hareriga markii aan aad uga yaabnay sida ay dadku u malabsawirka golahasanayaan marka uu qaadku yimaado. waxaan geeynay shaybaarka ugu wayn ee Roma dalka Talyaaniga waxaana baaris ku sameeyey Dhakhaatiir qubaro ah waxaana laga helay daroogo layiraahdo bcb oo ah nooc ka mid ah muqaadraadka oo lagu duro geedka jiridiisa iyo Bastasaydh oo nooc aad u sareeya oo loogu talagalay Ayaxa oo dadka biniaadmiga dhibaato u gaysanaya,Hadaba suntaas oo ummadda soomaliyeed aysan ogeyn ayaan warbixintii u keenay madaxwaynihii soomaliya markaas ka talinjiray Allaha unaxariistee maxamed siyaad . Waxa uu amray dekareeto heer madaxwayne ah in qaadka laga joojiyo dalka oo dhan oo kootarobaan laga dhigo cidii lagu qabtana sharciga la horgeeyo waxa uu si toos awood buuxda usiiyey sarakiisha ADC da – umadda soomaliyeed meel kasta oo joogaan u sheegayaa dhibaatada qaadka oo laga soo qoray  oo ah sidan:

1.In uu dilo ciridka oo qofka ilkuhu ka daataan isaga oo dhalinyaro ah isla markaasna ay ka lunto dhadhanka , urta ama carabku bararo

2.In uu u xun yahay makaanka dumarka iyo kan raga “sex organs’oo biyaha ay iska socdaan dhibaatana u keeno ilmaha dhalanaya muuqaal ahaan.

3.In uu qofka ka jaro cuntada oo uu musqul aadin muddo 4ilaa 5 cisho oo baabasiir ku noqdo ka dibna ay qabsinadu iyo mindhicirkuba xirmaan oo kanser ku noqdo

4.Qofka oo dhiig sanka ka yimaado neerfayaasha maskaxdana uu buro ku abuuro oo suurtagal noqoto in uu qofku waasho ama garashadu ka lunto.

Waxaan warbixintaas loo gudbiyey Agaasimha waaxda Dhakhaatiirta qaranka ee wasaarada caafimaadka bishii march 1983 si dadka u wacye galiyaan.  Ogaada shacabka Ethiopia iyo kenya macunaan qaadka.

Dr.C\Kariim Jiirow Sharmarke.

 

 

 

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *