Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Markab jariif ah oo Shiinaha laga leeyahay oo lagu qabtay xeebaha Galmudug oo lasii daayay

Markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu qabtay isagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha Galmudug, ayaa lasii daayay, iyadoo aan sharciga la horgeynin.

Urur lagu magacaabo Somalia Marine Fisheries oo si dhow ula socda kalluumaysiga sharci darrada ah ee xeebaha Soomaaliya, ayaa sheegay inuu soo gudbin doono baaritaanka horudhac ah oo ay ku sameeyeen sababta lagusii daayay markabka, isagoo aan sharciga la marsiin.

Somalia Marine Fisheries ayaa ku tilmaamtay sii daynta markabkan xeelad cusub oo lagu qarinayo kalluumeysiga sharci darrada ah.

Maraakiibta Kalluumeysiga dalka Shiinaha ayaa si xad dhaaf ah uga kalluumeysanaya badda Soomaaliya, waxaana loo sababeynayaa heshiis wasaaradda kalluumaysigu sannadkii 2018 la gashay Ururka Kalluumeysiga Dibadda  ee dalka Shiinaha oo loo gaabiyo COFA.

Somalia Marine Fisheries waxay ku talisay si loo dhimo kalluumeysiga xad-dhaafka ah ee maraakiibta Shiinuhu ka wadaan badda Soomaaliya in la baabi’iyo Is-fahamka COFA.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *