Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Maxaa kasoo baxay Shirkii Xubnaha Mucaaridku ay ku yeesheen dalka Turkiga ?

Lix xisbi siyaasadeed oo Muqdisho fadhigoodu iyo siyaasiyiin xilal ka soo qabtay dalka ayaa shir ay ku yeesheen Magaalada Istanbul ee Turkiga waxaa ay isku raaceen inay ku midoobaan hal xisbi siyaasadeed, waxay kaloo uu magacaabeen guddi farsamo oo muddo 45 maalmood ah ku soo dhamaystira howlaha xisbiga cusub.

War-murtiyeedka ay soo saareen oo ka koobnaa 13 qodob ayay ku dalbadeen in doorashada barlamaanka iyo madaxweynaha ee dowladda federaalka lagu qabtay waqtigeeda, islamarkaana ayna aqbali doono waqti kororsi. waxay kaloo dalbadeen in saamilayda siyaasada dalku ay ka wada tashadaan doorashada iyo marxaladaha uu dalku marayo.

War-murtiyeedka waxaa kaloo lagu sheegay in madasha xisbiyadu ay aad uga xun yihiin in ciidamadii iyo dhaqaalihii loogu talagalay la dagaalanka argagixisada loo adeegsaday burburinta maamul goboleedyada, waxayna madashu ku baaqeen in la qabto shir dib-u-heshiisiineed.

Xubnahan Waxaa kamid ah “Sheikh Shariif,  C.wali Gaas, Xasan Sheikh ,  Cabdiqaadir Cosoble,  Shariif Xasan Sh. Aadan, Prof Gaandi iyo Xubno kale”.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *