Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Midowga Afrika oo ka hadlay dagaalkii Baladxaawo iyo Xiisada Kenya iyo Somalia

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahy xiisada kasoo cusboonaatay degaanada xadka ah ee Somalia iyo Kenya, gaar ahaan degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, oo shalay dagaal culus uu ka dhacay.

 “Waxaan si dhow ula socday dagaalkii ka dhacay Beled-Xawo iyo cabsida lasoo daristay dadka rayidka, waxaan dhinacyada Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqayaa in ay isxakameeyaan oo wada hadal lagu dhameeyo xiisada xadka ka jirta.” Ayuu yidhi Moussa Faki Mahamat

Gudoomiyaha ayaa sheegay in xasiloonida labada dal, gaar ahaan xadka uu muhiim u yahay wadamada gobolka ku yaalla.

Hadalka Mr. Faki ayaa yimid, iyadoo dowladda Kenya ay warqad qoraal ah u dirtay Midowga Afrika, taas oo ay sheegtay in dagaalkii shalay ka dhacay Beled-Xaawo aysan wax lug ah ku laheyn, isla markaana ay ka walaacsan tahay sida ay wax u wado dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa  Kenya ku eedeysay iney hurisay dagaalkii ka dhacay magaalada Beledxaawo, walow ay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya arrinkaas beenisay kuna tilmaantay dagaalkii dhacay mid Soomaalida dhexdeeda u dhaxeeya.

Urur goboleedka IGAD ayaa horay waan-waan uga dhex waday labada dowladood ee Kenya iyo Soomaaliya, balse wali wax heshiis ah lagama gaarin arrimaha u dhaxeeya labada dowladood.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *