Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

muse biixi oo isbedel ku sameeyey maamulkiisa isgoon magacaabin dad cusub

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isku shaandheyn ku sameeyey golaha wasiirada, isaga oo xilka ka beddelay wasiiro caan ah sida wasiirka arrimaha dibedda Sacad Cali Shire, oo loo wareejiyey wasaaradda maaliyadda. Muuse Biixi ayaa sidoo kale magacaabay wasiiro cusub. Wareegto uu soo saaray Biixi hoos ka aqriso.

WAR-SAXAAFADEED: 10 /11/2018

Wareegto Madaxweyne  [  Magacaabid iyo Isku-beddel ]  Markaan Sameeyey  La-tashi Ballaadhan  Waxaan Go’aamiyey  In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1. Cismaan Jaamac Aadan Iimaan Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

2. Deeqa Cabdi Yuusuf Dhidar Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.

3. Faadumo Cabdillaahi Cumar Diiriye Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Sidoo kale In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uuliyiintan u beddelo xilalkan:

1. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  ( Faratoon ) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

2. Sacad Cali Shire – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

3. Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame (Dhaga-weyne) – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

4. Maxamed Daahir Axmed Furreh – Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

5. Axmed Abokor Maxamed Yuusuf – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

6. Yuusuf Maxamed Cabdi Raage – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

7. Prof. Maxamed Faarax Xareed Qodax – Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska In laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado xubin ka tirsan Guddida Tacliinta Sare ee Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *