Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Musharixiinta Mucaaridka oo War Cusub soo saaray Arinta Doorashada iyo eedayn MD. Farmaajo

Midowga Musharaxiinta oo galabta illaa caawa shir uga socday Hotelka Jazeera ayaa ka soo saaray war saxaafadeed ay uga hadlayaan xaalada doorashada iyo caqabado ay sheegeen in haddii aan xal degdeg ah loo helin inay dib u dhac ku keeni karto habsami u socodka doorasho hufan oo loo dhan yahay.

Sidoo kale Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sheegay inay k welwelsan yihiin faragelin uu ku haayo habsami u socodka doorashada Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.

“Maarayn la’aanta ismari waaga ka jira  Doorashada Xildhibaanada kasoo jeeda  Somaliland taas oo Abuurtay inay Samaystaan Laba Gudi doorasho.

Xaalada Gobolka Gedo oo weli aan Xal dhinacyadda Wada Qanciya laga gaadhin.

Waxaa sidoo kale aan weli Xal loo helin Caqabadaha Siyaasadeed iyo Amni ee ka taagan gobolka Hiiraan  si loo Hubiyo inay ka qabsoonto Doorasho iyo Xor iyo Xalaal ah.

Inaan weli dhaqaalihii Doorashada Meel la saarin, Wakhtigii Doorashadana la taagan yahay.

U diyaar garowgii doorashada Xubnaha Aqalka sare oo aad u hooseeya, taasi oo shaki gelinaysa in Jadwalka doorashada lagu socdo.

Golaha Midowga Musharixiintu wuxuu aaminsan yahay hadii aan Xal deg deg ah loo helin Caqabadaha kor ku xusan inay dib u dhac ku keeni karto,  Habsami u Qabsoomida doorasho hufan oo loo wada dhan yahay.

Goluhu wuxuu Xukuumadda iyo maamulada ku boorinayaa inay wax ka qabtaan Caqabadaha taagan  Si dalka looga hirgeliyo Doorasho Xor iyo Xalaal ah oo Wakhtigeeda ku dhacda.

Golaha midowga musharixiintu wuxuu ka wel welsan yahay Faragelinta uu Madaxwaynaha Xilkiisu dhamaaday  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu weli ku hayo Habsami u socodka Doorashada.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *