Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Puntland oo Siwayn Rooble ugu Garab istaagtay Xiisada Farmaajo kala dhaxaysa

Maamul Goboleedka Puntland ayaa Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya maxamed Xuseen Rooble ku garab istaagay War Murtiyeedkii kasoo baxay, kadib markii uu Ganafka ku dhuftay Go’aanadii Xalay kasoo baxay Madaxwayne Farmaajo, oo dhigayey inaan Hay’adaha Dawladdu Xiligan Doorashada geli karin wax Heshiis ah.

Qoraalka kasoo Baxay Puntland ayaa u dhignaa Sidan.

Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hogaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka.

Puntland waxay markasta aaminsan tahay sareynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.”

Si kastaba Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi deni ayaa Khilaaf kala dhexeeyay Muddooyinkii dambe Madaxwayne Farmaajo, Waxaa sidoo kale la aaminsan yahay inuu yahay Musharax Madaxwayne oo weli huursan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *