Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Puntland “Waxaanu Qabanay Xubno Shabaab ah oo Xidhiidh la leh S.land”

Taliyaha ciidamada Daraawiishta ee Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xidhiidh la leh maamulka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Taliyaha ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland, Wuxuuna  tilmaamay in xubnahani lagu qabtay agab iyo dhaqaale laga keenay Somaliland, una wadeen buuraha Galgala oo ay ku dhuumaalaystaan Alshabaabku.

Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan raggaasi ay qabteen ciidamada Puntland.

Dhowaan ayey aheyd markii Puntland shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Alshabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag, Iyadoona Arintaasi ay si kulul uga Jawaabtay Somaliland oo sheegtay inaanu Jirin Xidhiidh kala dhexeeya Kooxaha Xagjirka ah.

Puntland iyo Somaliland  ayaa ku Muransan Gacan ku Haynta Gobolada Sool iyo Sanaag, waxaana Jira Eedaymo kala duwan oo ay Warbaahinta isku Mariyaan.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *