Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

qaramada midoobay oo diidey codsi uGu yimid dalka kiiniya oo ku saabsan somaliya

Golaha Amaanka ee QM ayaa diidey qoraal codsi ah oo uga yimid Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata, kaas oo ku saabasan  in ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya laga bedelo magaca ay wataan oo la hoos geeyo Qaramada Midowbay, isagoo sheegay in ay Midowga Africa awoodi Karin in  ay ciidan ahaan iyo dhaqaalaha ku baxaya howsha ay ka hayaan somaliya gudaheeda oo ah in laga xoreeyo ururka alshabaab.

Golaha ayaa diidey qaraarkaas, waxa ayna sheegeen in Midowga Africa uu ku filan yahay howlaha Nabad ilaalinta ee Soomaaliya, ayna doorkaas ciyaarayaan wadamada gobalka Barriga Africa balse dhaqaalaha ku baxaya ciidamada Amison inaaney bixin Karin

Madaxweynaha kiiniya ayaa horey u sheegay markii uu xoghayaha guud ee qaramada midoobey uu kula kulmay yurub in aysan Soomaaliya u baahneyn ciidamada AMISOM, balse looga baahan yahay Beesha Caalamku in ay samayso bedelaad magaca AMISOM ah.

Midowga Africa Soomaaliya waxaa ka jooga in ka badan 22,600 oo Askari, waxaana ay sheegteen Wadamada Africa ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya in ay ka bixi doonaan somaliya sanadaha soo socda.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *