Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

qarax aad u weyn oo khasaare badan geystey ayaa ka dhacay magaalada muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa midkii ugu xooganaa ee bilooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay kadib markii gaariga qarxay iyo ruuxii waday ay soo gaareen goob lagu baarayay gaadiidka oo u dhow Saldhiga degmada Waaberi oo saaran wadada Maka Al Mukarama.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga ay eryanayeen ciidamada amaanka, waxaana markaasi ruux rayid ahaa lagu dilay dalcada xaafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana kadib la sheegay inuu goobta ku qarxay gaariga.

Gaari labaad ayaa yaala goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay uu ka dhacay caawa, waxaana gaadiidka dadweynaha loo diiday inay goobta dhaawacyada ka qaadaan, maadaama shaki kale uu jiro.

Dad badan ayaa ku go’doonsan dhismayaal goobta ku yaala, waxaana dadka waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay dhismayasha oo qaarkood la sheegay inay ku dumeen.

Marka qaraxa uu dhacayay aad ayay mashquul ua heyd goobta, waxaana socday baaritaanka gaadiidka doonaya inay u gudbaan dhanka Dabka.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *