Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

raysalwasaare Khayre oo Xadhiga ka Jaray Garoonka Diyaaradaha ee Baraawe [Sawirro]

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo socdaal shaqo kusoo gaadhay caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ee BARAAWE ayaa xadhigga ka jaray garoonka diyaaradaha magaalada oo si heer sare ah loo dhisay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in dhammeystirka dhismaha garoonka ay astaan u tahay sida dowladda Soomaaliyeed ay uga go’antahay dib-u-dhiska Soomaaliya, kaabayaasheeda dhaqaale iyo isku xirka dadka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dalka iyo dunida inteeda kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Laftagareen oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay xarig jarka iyo dardar gelinta mashaariicda horumarineed ee deegaannada dowlad gobaleedka koonfur Galbeed ayaa caddeeyay in dhammmaystirka gegida Baraawe ay noqoneyso guul wayn oo sare u qaadeysa dhaqaalaha dalka, fursadna u siineysa dowladda gobaleedka Koonfur Galbeed inay adeegyada aadka loogu baahan yahay gaarsiiso guud ahaan bulshada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa munaasabadda daah furka garoonka ka sheegay in dowladdu ay sii wadeyso mashaariicda horumarineed ee bulshada loogu adeegayo ayaa ballan qaaday in waddada isku xirta Garoonka iyo magaalada Baraawe ay dowladda federaalka dhiseyso, si ay qayb uga noqoto horumarka guud ee caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Dhismaha garoonka diyaaradaha ee la dhammeystiray oo leh waddo ay diyaaraddu ku oroddo oo dhererkeedu yahay 2km iyo dhisme loogu talagalay rakaabka, ayaa si wayn gacan uga gaysanaya horumarinta amniga, isu socodka bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha. Garoonka ayaa magaalada Baraawe ku xiraya suuqyada dibadda, taas oo dadka deegaanka fursad u siineysa in khayraadkooda badeed ee hodanka ah ugu suuq gaysan karaan qaybaha kale ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa November ee sannadkii 2017 waxuu dhagax dhigay Mashruuca dhismaha garoonka diyaaraha Baraawe oo ay ku baxday 4.3 milyan oo doollar ayna iska kaashadeen midowga Yurub iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *