Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

Sarkaal Qarax loogu xidhay Gadhigiisa iyo Wararkii ugu dambeeyay

Waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Dekadda  ka dhacay Qarax gaadhi  Noociisu yahay SURF  loogu xidhay  sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana sargaalka la sheegay in qaraxaasi uu dhaawac kasoo gaadhay.

Sida wararku sheegayaan Jeneraalka ayaa lagu magacaabaa Maxamed Dhoore, waxaana qaraxa gaadhiga loogu xidhay uu dhacay Xili uu ku sugnaa Xarun shidaal uu ka qaadanayay, oo ku taal degmada Xamar Jajab.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaadhay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidanka goobtaasi ka qaadeen dhaawaca sargaalka iyo askari la sheegay inuu  ilaalo u ahaa sarkaalka dhaawacmay.

Booliiska ayaa sidoo kale wada baadhitaano ku aadan qaraxan haleelay gaariga sarkaalka booliiska,  waxaana dab xoogan uu qabsaday Kaalinta Shidaalka ee Qaraxu ka dhacay.

Inta badan qaraxyada lagu xidho gaadiidka gaarka loo leeyahay ayaa ka mid ah falalka qorsheysan ee Alshabaab wax ku disho, kuna ugaadhsato Mas’uuliyiinta, Shaqaalaha iyo saraakiisha Ciidamada ee ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *