Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

SAWIRRO: Madaxwayne Farmaajo oo Siwayn loogu soo dhoweeyay Nairobi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Nayroobi halkaas oo ay uga qeyb galayaan shir caalami ah oo ku saabsan horumarinta dadweynaha.

Shirkan oo uu hoggaaminaayo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Horumarinta Dadka (UNFPA) ayaa lagu jaangooynayaa qorsheyaasha loo dhan yahay ee dhinacyada horumarka iyo halbeegga sanadlaha ah ee heer qaaradeed iyo heer caalami ee hiigsiyada xasilloonida iyo horumarka.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa hordhac u sii ahaa diblumaasiyiin iyo khubaro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la sii qaabeeyey dhiggooda dalalka ka qayb-gelaya shirweynahan qorsheyaasha lagu falanqaynayo, iyagoo gudbiyey qodobbada hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay mudnaan gaar ah siinaysaa madal kasta oo looga arrinsanayo horumarka iyo iskaashiga, maadaama dalkeennu uu u baahan yahay maalgashi iyo garab istaag. Shirkaan waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha awood-siinta haweenka iyo kaalinta dhallinyarada ee hoggaamminta iyo horumarka si loo gaaro Hadafyada Horumarka ee Joogtada ah kuwaas oo ahmiyad weyn u leh dalkeenna.”

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *