Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

shan qarax oo ka dhacay magaalada muqdisho hal maalin iyo laba wasaaradoo oo alshabaab weerareen

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo goordhaweyd ka dhacay Magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa koowaad oo gaari loo adeegsaday ayaa lagu weeraray Wasaaradaha Shaqada & Shaqaalaha, iyo howlaha Guud oo ku yaala Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal qaraxa koowaad kadib waxaa la maqlay rasaas ka dhacaysay gudaha waasaaraddaha la weeraray.

Daqiiqado kadib qarax labaad ayaa ka dhacay gudaha wasaaradaha la weeraray.

Warar ayaa sheegaya in dabley hubaysan ay gudaha u galeen dhismaha Wasaaradahaasi, halkaasi oo markii uu qaraxa dhacay laga maqlaayay rasaas xoogan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Somaaliya ayaa sheegay rag hubaysan oo tiradooda aanan la ogeyn inay gudaha u galeen dhismaha Wasaaradaha.

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *