Download!Download Point responsive WP Theme for FREE!

sharaakiisha amison oo ka hadlay mushahar dhimista lagu sameeyey

Saraakiisha ciidamada Midowga Africa ee arrimaha ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay ka fiirsan doonan howlaha ay ka hayaan gudaha Soomaaliya, haddii aan daganaansho la’aan loo helin arrimaha Siyaasadeed ee hadda ka taagan gudaha dalka.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in lixdii bilood ee lasoo dhaafay ay culeysyo badan la kulmeen ciidamada AMISOM kuwaasoo dhinacyo kala duwan kaga imaanayay.

Saraakiisa ciidamada AMISOM waxay soo qaadeen howlgaladdii iyo dagaaladii lagu qaaday ciidamadooda ee kusugnaa deegaanada Ceelcade, Leego iyo Janaale oo kala ah gobalada Koonfurta Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay aaminsan yihiin in ay dawladda Soomaaliya qeyb ka ahayd weeraradan.

Warbixintan waxaa kaloo la sheegay in dawladdaha Midowga Africa ay go’aan ka qaadan doonaan talaaabada la xariirta sii joogitaankooda Soomaaliya, iyagoo sheegay in dhaqaalaha lasiiyo xataa ciidamadu uu yahay mid ay hadda dhimeen Wadamada Deeqaha bixiya siiba kuwa Reer Yurub oo sheegay 20% in ay dhimanayaan lacagta lasiiyo ciidamada AMISOM

Add a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *